|
Nairobi (Qaran News/Kenya Times) - "Maanta oo beesha Caalamku, ay la daalaa dhacayso mashaakilaadka Shidaalka, Is bedalka Cimilada, Faqiirnimada iyo Sicirbararka Maciishada ayaa mid ka mid ah dalalka Geeska Afrika ku yaala oo loo yaqaan Somaliland, wuxuu baadi-goobayaa Aqoonsi Caalamiya, ka dib 17 -sanadood oo ay iskood isu xukumayeen, Iyaga oo ka go'ay dalka uu Dagaalku halakeeyay ee Soomaaliya." Sidaa waxa lagu sheegay Waraysi uu wargeyska Kenya Times la yeeshay Shirgudoonka Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) iyo Ku xigeenkiisa Cabdi-casiis Maxamed Samaale oo booqasho howleed ku jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Wargeyka Kenya Times oo si mugleh uga hadlay xaalada Somaliland iyo qadiyada Madaxbanaanideeda, soona xiganaya waraysigaas waxa uu ku bilaabay: "Intii lagu gudda-jiray Shirkii Kulanka Baarlamaanada ee joogtaynta horumarinta iyo ka midha-dhalinta dhaqaalaha taageerada ah oo ka dhacay Nairobi Kenya, waxa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyada Somaliland uu kaga hadlay, sida uu ugu rajo weyn-yahay in dalkiisu helli doono Aqoonsiga caalamiga ah ee madaxbanaanidooda. Iyada oo uu u eegayay aqoonsiga dhawaan ay Caalamka ka heshay Jamhuuriyada Kosovo, ayaa Gudoomiyuhu uu aad u filayaa in Somaliland ay si dhakhso ah u gaadhi doonto maalinta ay ka mid-qonayso qarammada Dunida. Waraysi uu la yeeshay wargeyska Kenya Times, ayaa Gudoomiye Cabdiramaan Maxamed Cabdilaahi oo uu wehelinayay ku xigeenkiisa Cabdi-casiis Maxamed Samaale waxa uu ku sheegay inay Dibadaha u wareegayeen Barnaamij ay ku riixayaan Aqoonsiga dalkooda iyo sidii uu uga mid noqon lahaa Beesha Caalamka. Waxay sheegeen, in talaabadoodan si dhakhso ah guul looga gaadhi doono, ka dib marka ay booqashooyin ku tagaan dalal kala duwan oo Afica iyo Yurub ah, kuwaasoo ay ka mid-yihiin Gobolka Wales, Finland, Denmark iyo kuwo kale. Balse Gudoomiyaha wax si rasmi ah loogu casuumay Booqasho uu Jarmalka ku tago. Dhamaadka shirkii kulanka Baarlamaanada oo sadex maalmood ka socday Nayrobi ka dib waxa ay wadda hadalo la yeesheen shirgudoonka Wakiillada Somaliland madaxa Hayada UN Habitat Dr Anna Tibaijuka iyo Ambaasadoorrada u fadhiya Nayrobi dalalka Maraykanka, Jarmalka, Ruushka iyo Swedan, waxa uu sidoo kale la kulmay xoghayaha guud ee Ururka Midawga Ganacsiga Kenya (COTU) Francis Atwoli iyo masuuliyiinta Ururka xulufadda Ganacsiga xorta ah (KEPSA) si ay uga wadda hadlaan arrimo la xidhiidha Ganacsiga iyo xidhiidhada shaqaalaha. Labadan Masuul-ba (Cabdiraxmaan iyo Cabdicasiis) waxay cadeeyeen in marka laga yimaado xasiloonida iyo dimuquraadiyada Somaliland ka jirta uu dalkani la jahawareersan-yahay sida Beesha Caalamku ulla dhaqantay, kuwaasoo ka caga-jiidaya inay aqoonsi siiyaan Madaxbanaanidooda. Mudane Cabdiraxmaan waxa uu intaa ku daray in arrintani tahay ta ugu weyn ee carqalada ku ah Somaliland tan iyo intii laga hirgeliyay Siyaasada, Dhaqaalaha iyo xasiloonida Bulshanimo. "shaki nagagama jiro. In beesha Caalamku ay u eegayso. Laba arrimood, marka ay soo qaadaan Arrinta Somaliland. Aqoon ahaan waxa loo fahamsan-yahay in dalkani yahay mid Afrikaan ah, markaa annagu ma nihin kuwo la macaamilaya laanta lacagta dunida (IMF) iyo Ururo kale toona, hadana ma heli karro wax dhaqaale ah" Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro waxaanu intaa ku daray in aqoonsi la'aanta dalkiisa haysataa ay horseeday inaanay Somaliland lahayn hayaddo wax soo saar, Islamarkaana ay ku tiirsantahay Xawilaadaha lacagta qurba jooga. Tanina waxay markaa adkaysay inay Somaliland ka qayb-qaadato ganacsi uga gudba dalalka kale iyo inay taageeraan isu dheeli-tirka mushaharooyinka. Gudoomiye Cabdiraxmaan wuxu ku eedeeyay dalalka Afrikaanka ahi inay diideen inay is garabtaagaan Somaliland. Hase ahaatee, wuxuu ku rajo wanaagsan-yahay in arrintaas si dhakhso ah loo xalin doono iyadoo loo marayo wada hadallo door ah iyo kulamo wax ku ool ah. Sida uu sheegay Gudoomiyuhu Kenya waxay Somaliland u tahay Xulufo muhiim ah oo dublamaasiyadeed, dhaqaale iyo Istaraajiyadeed. Waxaanu kalsooni ka muujiyay in Kenya noqon doonto dalka ugu horeeya ee Aqoonsada Madaxbanaanida Somaliland, ka dib xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw oo labada waddan ay wadaageen. "Kenya waxa lagu yaqaanaa inay tahay wadan Caalamiyan dhex-dhexaadiye nabadeed ah iyo iftiinka rajada. Waxaanu saaxiibo ku leenahay xubnaha Baarlamaanka Kenya. Waxaananu xaqiiqdii ognahay inaanu meel uun ku socono." Ayuu yidhi Md, Ciro. Waxaanu intaa ku daray in dalkiisu uu mar hore u magacaabay Wakiilooda Dalka Kenya mr Cismaan."
Wargeyska Kenya Times waxa uu intaa ku daray oo uu ka waramay xidhiidhada Somaliland iyo Maraykanka iyo Booqashooyinkii Madaxweyne Rayaale iyo Jendayi Frazer isku waydaarteen. "Sidaa daraadeed, Gudoomiye Ciro waxa uu sheegay in labadaa Booqashaba Guul laga gaadhay Maadaama uu Madaxmweyne Rayaale uu ka hadlay arrimo la xidhiidha Socdaalka, Amaanka iyo hurumarinta dimuquraadiyada Somaliland. Booqashooyinkaasina waxay ka danbeeyeen Baarlamaanada Somaliland, Itobiya, Uganda, Washinton DC, Jarmalka iyo wadamo kale, kuwaasoo dhamaantood lagaga hadlay arrinta aqbalaada aqoonsiga Somaliland." Wargeysku waxa uu taariikh ahaan u soo qaatay sooyaalkii Somaliland ee taariikheed iyo Siyaasadeed, dagaaladii faraha lagaga gubtay ee SNM oo horseeday in Somaliland mar labaad la soo noqoto Xoriyadeeda. Sidoo kale, waxa uu ka waramay xidhiidhada Somaliland la leedahay Beesha Caalamka, Sida wadamada Ingiriiska, Itoobiya, Biljamka, Gaana, Koonfur Africa, Swedan iyo Jabuuti. Source Ogaal
|