|
Wejigii Labaad ee Xal u Helida Khilaafka KULMIYE oo Xalay Natiijo La'aan Ku Dhamaaday? |
|
|
|
|
Written by Qaran News
|
|
Sep 05, 2008 at 11:48 PM |
|
Hargeysa,(Qarannews)- Wejigii labaad ee wada hadalada iyo waan waanta lagu doonaayo in xal waara loogu helo khilaafka ba'an ee ka dhashay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ku yeeshay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer iyo qaabkii shirkaas loo maamulaayey taas oo laba garab u kala jabisay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. Ayaa xalay si rasmi ah oo foolka fool ah uga furmay Hotel Amasador ee magaalada hargesia kulanka xal u helida ee xalay dhexmaray labada dhinaca ee khilaafku ka dhexeeyo kuwaas oo dhamaantoodba ka soo xaadiray madasha Madasha uu ka socday kulanka lagu gorfeynayey xal u helida khilaafka ayaan loo ogalayn in wax war ah hesho saxaafadu. Balse warar xogogaal ah oo u dhuun daloola madasha uu shirku ka socday ayaa sheegay in la isku mari waayey kulankaas. Ka dib markii ay labada dhinaca is-taageen halkii uu khilaafku ka bilaabmay islamarkaana wax isu tanaasul ah isu muujin waayeen ayaa kulankaas xalay dhexmaray labada garab ee XISBIGA KULMIYE ku soo gebogaboobay iyada oo aan wax natiijo ah laga gaadhin khilaafka sii cuslaanaya ee ka dhexeeya labada dhinaca ee isku haya wixii ka soo baxay shirkaas golaha dhexe ee xisbiga kulmiye. Sida oo kale wararku waxay intaas ku darayaan in mar kale laga sii ambaqaado wada hadalka habeen ka Axadka ah ee soo socota kulankan xalay waxa dhexdhexaadinayey MaxamedCabdilaahi Ismaaciil (Beer-geel) Source Qarannews
|
|
Last Updated ( Sep 06, 2008 at 12:37 AM )
|