Thursday, April 24th, 2014 -

Waxaan la yaabay :’Taarikhdu qarinmayso’,Qormadii 5aad

Taariikhdu Qarinmayso – Qormadii 5aad

“Waxaan la yaabay”

Maalinba maalinta ka dambaysa, waxa dhegahayga ku soo dhaca waxyaabo ay maskaxdaydu qaadan kari waaydo oo aan la yaabo. Wiigan waxaan la yaabay dhowr arimood

A.Krye

Waxa ugu wayn, ceelasha biyaha ee Xumba-Wayne ee Dawladda Imaraatka Carabtu mucaawino ahaan u qoday,Xukumada Somalilandna dadaal hoose ugu jirto sidii Geed-Deeble loogu xidhi lahaa.

Waxaan maqlay in Wasiirka Arimaha Debadda ee Somaliland arinkaa uga ololaynayo dalkan Imaaraadka Carabta si qorshahaas looga dhaadhiciyo Dawladda Imaaraadka Carabta oo runtii dedaal badan ka muujisay sidii Caasimadda Hargeisa biyo ku filan u heli lahayd oo runtii taageeradaa  dawladda Imaaraadka aan ku amaanaayo.

 

Biyaha Xumba-Wayne, waxay la mid tahay xukumaddii  Siyaad Barre ee tidhi Sibidhka Berbera Xamar warshadiisa ha laga sameeyo. Waa yaab, dadka dega bariga iyo koonfurta Hargaysa miyaanay dawladda wada lahayn, taariikhdu qarin-mayso.

Waa nasiib darro, wasiirkii waynaa ee bulshada reer Somaliland u hanwaynayd ee shaqadiisu ahayd ictiraaf raadin iyo guulo siyaasadeed inuu u soo hooyo Somaliland inuu shaqo ka dhigto waxaan mustawihiisa ahayn oo bulshada Somaliland nac iyo kala fogaansho ku abuuraaya.

Waxa bulshada reer Somaliland rumaysnayd in  Md Biixi Younis yahay nin waayo arag  oo aduunka wax badan ka soo bartay oo wax badan ku soo biirin doona  siyaasadda Somaliland “aqoon iyo fikir” taas oo ka maqnayd wasiiraddii hore ee soo maray Wasaaradda Arimaha Debadda ee Somaliland. Maalintii la magacaabay, waxaan is lahaa maanta ayuun baad hesheen wasiir khibrad leh oo Somaliland wax badan ku soo biirin doona. Haddii ay jirto, wasiirku arinkaa hoos buu ugu dhacay, Taariikhduna qarin-mayso

Waxaan la yaabay oo kale, Golahii Baarlamaanka Somaliland oo madaxtooyadu fara gelin badan ku hayso oo xakuumadda ka shaqayn la’. Waxa laga raacay Gudoomiyaha waa WADANI oo waa mucaarad ama Dooda Qaran buu taageeray oo aan ceeb ahayn. Miyaanay dawladdu ogayn ragga u codeeyay badidoodu inay ka soo jeedaan Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE. Baarlamaanku marba wixii dalka u maslaxad ah ayuu u codeeyaa. Xukumaddau miyaanay iyadu danta dalka doonaynin?,Meeday dimuqraadiyaddii aynu ku faanaynay?. Dawladda cod baarlamaan oo xalaal ah diiday, ma doorasho xalaal ah bay qaban doontaa? Jawaabtu waa maya. Shaki badan ayaan ka qabaa. Waxaad moodaa inaynu dib u socono ee aynaan hore u soconin. Allaw na ilaali.

Waxaan la yaabay oo kale, jariidaddii HUBAAL oo markii horeba tacaddi badan loo gaystay oo cadaalad la marin waayay haddana gebi ahaanba oodaha loo rogay. Meeday Cadaaladdi iyo Xuriyat Al Qawlkii aynu ku faanaynay?. Taariikhdu qarinmayso.

Waxaan la yaabay, taliyihii gobalka Togdheer oo si lama filaan ah loo bedelay micnaheedu yahay in laga takhaluso oo awooda Burco reer kali ah loo gacan geliyo. Reer Burco waa beelo wada dhashay oo dan wadaag ah. Awooda beel keli ah loo gacan geliyaa waxay abuuraysaa kala shaki, isnac iyo dib udhac Burco.  Meeday awood qaybsigii Somaliland ku faani jirtay. Taariikhdu qarin-mayso.

Isku soo wada duub, waxaan falalkaa oo dhan u arkaa “cuna qabatayn iyo isku dir bulshada wada dhalatay”. Waa qaybi oo xukun. Waa shaqadii digteetarada.

Waxaan hadalkaygan ku soo gunaanadayaa “belaayo daaman la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto ma laha.

 

 

 

Abdi Kaariye Jibril

Abu Dhabi – UAE

 

Newsletter
loading...

Subscribe to our newsletter and get all of the latest news and updates straight to your inbox.

Social